Duqa Muqdisho “Qorshayaal wax looga qabanayo Amniga ayaa wadnaa”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dhawaaqay qorshayaal
Labels:
WARARKA
CAYAARO
John Terry : Maamulka Chelsea Ciyaarta Ha Iga Daayaan
Thursday, February 11, 2016
Kabtan John Terry ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa Chelsea aysan illaa haatan kala hadlin arin ku saabsan in hishiis cusub uu u saxiixo kooxda .
Hishiiska Terry ee Chelsea ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxa uuna dhawaan shaaciyay in xilli ciyaaredkaan yahay kan ugu dambeeya Chelsea isla markaana u baxayo.
Wargeyska Express ayuu Terry ka yiri ka dib kulankii United ” ma jirto wax wadahadal ama xariir maamulka kooxda ila sameeyeen anna waxaan iri waxii qasabka igu ahaa in aan iraahdo”.
” Waxaa qasab ah in aan dadaal deeraad ah bixinno si xaalkeena horyaalka u wanaagsanaado” ayuu sii raaciyay Terry oo aan ku dheeraan arinta kooxdiisa kala dhex aloosan
Arintaan ayaa imaaneysa xilli taageerayaasha kooxdaas Chelsea ay la yimaadeen kulankii United boorar ay ku dalbanayeen in hishiis cusub laga saxiixo Terry
Labels:
CAYAARO
XOG:Axmed Madoobe oo fashiliyay Shirki Nabada Jubboyinka+Sababta
iyadoo uu qorshuhu ahaa in siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Jubaland ay shir dib u heshiisiineed kaga qeybgalaan magaalada
Kismaayo, ayaa waxaa muuqaneysa in shirkaasi uu fashilyo hogaamiyaha maamulkasi.
Siyaasiyiintii mucaaradsanaa Jubaland ee la doonayay in iyaga iyo maamulka kismaayo la heshiisiiyo ayaa hadda ka baaqsaday aaditaankoodii kismaayo kadib markii Maamulka jubba uu ka baxay qodobadii la qorsheeyey in ay noqdaan ajandayaasha shirka.
Hogaamiyaha Jubba axmed Madoobe oo ka duulaya in isla xisaabtan uu kismaayo ka dhaco ayaa abaabulay siyaasiyiintii beesha sade ee ka tirsanaa maamulkiisa kuwaas oo abaabul uu galiyay taasoo qorshaha uu wado ay tahay in iyagu ay noqdaan cida la heshiineysa axmed madoobe, miiska wada hadalkane fariisaneysa.
Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdulaahi sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa isugu yeeray kismaayo xildhibaanada iyo masuulyiiinta kale ee ka tirsan maamulkiisa kana soojeeda beesha sade isagoo ku wargaliyay in iyagoo oo matalaya Beesha Sade ay shirkaasi ka qeybgalaan, arintaas oo guuxii ka dhashay uu ka taaganyahay magaalada kismaayo.
Sikastaa hogaamiye Axmed madoobe ayaan diyaar u aheyn nabad iyo xasilooni ka dhalata jubaland, iyadoo xubnihii beesha caalamka ee ay ugu horeyso Hay’adda USAID ay arinkaasi durba walaac ka muujisay
Labels:
WARARKA
Wararkii ugu dambeeyay Ciidanka DF & Amisom oo ku laabtay M/Marka..
Monday, February 8, 2016
- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Howlgal Ciidanka dowlada federaalka iyo kuwa Amisom ay dib kula wareegeyn magaalada
- Marka ee Xaruunta gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo Al shabaab ay gudaha u galeyn maalin ka hor.
Gudoomiyaha Magaalada Marka Maxamed Yariisoow ayaa sheegay in markale ay Magaalada ku laabteyn islamarkaana dagaal kooban uu dhacay isagoo intaasi ku daray in ay sugayaan Ciidan badan oo ka tirsan Millatariga Soomaaliya.
Sidoo kale Sarkaal kamid ah kuwa xooga dalka ayaa inoo sheegay in iyagoo wata gaadiid dagaal ay qabsadeen marka islamarkaana yasan arkin wax iska caabiya oo shabaab magaalada ka carareen.
warar ka qaar ayaaa sheegaya in saraakiishan oo shalay galab ka baxay muqdisho ay xalay ku waabariisteen deegaanka laanta buuro halkas oo saakay uga duulaan tageen Marka.
Subscribe to:
Posts (Atom)