Sponsor

Home » » Duqa Muqdisho “Qorshayaal wax looga qabanayo Amniga ayaa wadnaa”

Duqa Muqdisho “Qorshayaal wax looga qabanayo Amniga ayaa wadnaa”

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku dhawaaqay qorshayaal
wax looga qabanayo ammaanka Caasimadda, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay magaalada ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho ay dib u soo kabaneyso, isagoo xusay inay bilaabeen qorshe dib u dhis loogu sameynayo, kaasoo uu ugu magac daray dalkaaga dhiso oo qof kasta uu bixinayo $1 (Hal Doolar).
“Amniga wal wal badan ayuu nagu hayaa, waxaa aaminsahaya in magaalada Muqdisho ay ka mid tahay Caasimadda labaad ee soo kabsanaya, waxyaabaha qaar ee dhacayana waxaa kala simanay Adduunka oo wax noo gaar ah ma ahan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA.
Mr Jimcaale ayaa sheegay inay qaadeen xeyndaabkii u dhaxeeyay Hey’addaha ammaanka iyo Gobolka Banaadir, isla markaana ay rajeynayaan in shacabka iyo maamulka oo isku duuban inay amniga ka wada shaqeeyaan.
“Hey’addihii Amniga iyo Gobolka Banaadir xeyndaabkii u dhaxeeyay waa qaadnay, shacabkii, Maamulka iyo laamaha amniga waa wada shaqeyn doonaan, waxaana bilownay kulamo arrintaas ku saabsan, waxaa isugu keenay hey’adihii amniga, sida booliska, guddoomiyeyaashi degmooyinka iyo nabadsugida, waxaa rajeyneynaa in wax laga qabto amniga, shacabkana uu kaalintiisa qaado, Hey’adaha amnigana si hufan oo xalaal ah u shaqeeyaan, anagana aan is garab taagno, amniga in wax laga qaban karo ayaa aaminsahay”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .
Magaalada Muqdisho oo xarun ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marka la eego Mas’uuliyada guud ee ammaanka caasimada waxaa leh Madaxda ugu sareysa dalka iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa dhanka Ammaanka.
Share this article :

0 comments:

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Maskolis | Johny Portal | Johny Magazine | Johny News | Johny Demosite
Copyright © 2011. Warbaahiye Isha Wararka Aduunka - All Rights Reserved
Template Modify by Creating Website Inspired Wordpress Hack
Proudly powered by Blogger