iyada oo Neymar uu laba gool dhaliyay, halka Lionel Messi uu markiisii ugu horaysay hal kulan oo La Ligaha ah ka sameeyay saddex gool caawineed wuxuuna sidoo kale dhaliyay gool aad u qurux badan inkasta oo xidiga ree Argentina uu markale rekoodhe lumiyay. Munir iyo Arda Turan ayaa min hal gool dhaliyay iyaguna.Barcelona ayaa rekoodhkeeda guuldaro la’aanta gaadhsiisay 37 kulan oo ayna arkin wax guuldaro ah tartamada oo dhan.
Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda Getafe waxayna kooxda Enrique doonaysay in ay sii wadato qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigtay shantii bilood ee ugu danbeeyay. Barcelona ayaa diirada ku haysay in ay gaadho kulankeedii 37 aad oo ayna wax guuldaro ahi ku soo gaadhin tartamada oo dhan.
Tababare Luis Enrique oo caan ku noqday in uu shaxdiisa isbadalo joogto ah ku sameeyo ayaa markale isku shaandhayn ku sameeyay shaxda kooxdiisa, wuxuuna kaydka ku nasiyay Luis Suarez oo hal kaadh digniin ah u jiray in uu hal kulan seego. Iyada oo Barcelona ay laba kulan oo muhiim ah la ciyaari doonto kooxaha Villarreal iyo Real Madrid ayuu Enrique go’aansaday in uu Suarez kaydka dhigo kulankan. Munir El Haddadi Mohamed ayaana fursad ka helay booska Suarez.
Shixihii Labada kooxood ee Kulankan:
BARCELONA (4-3-3): Bravo; Vidal, Pique, Mathieu, Alba; Turan, Roberto, Iniesta; Messi, Neymar, Munir.
Kaydka: Suarez, Ter Stegen, Bartra, Samper, Alves, Vermaelen.
GETAFE (4-3-3): Guaita; Buendia, Vergini, Velazquez, Pereira; Wamberto, J. Rodriguez, Medran; Leon, Yoda, Scepovic.
Kaydka:Megyeri, Bernard, Victor, Moi Gomez, Borja Galan, Miguel, Carrillo
Barcelona ayaan wax waqti ah iskaga lumin in ay dhulka dhigto kooxda martida u ahayd ee Getafe waxayna saddexda dhibcood jeebka gashatay qaybtii hore ee ciyaartaba iyada oo kooxdad Enrique ay ciyaarta ku bilaabatay qaab ciyaareed cajiib ah.Barcelona ayaa qaybta hore ee kulankan hogaanka ku hasyay 4:0 taas oo xili horeba dhulka jiitay kooxda martida Camp Nou ku hayd ee Getage.
Daqiiqadii 8 aad Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta kula wareegtay gool uu iska dhaliyay xidiga kooxda Getafe ee Juan Antonio Rodríguez kaas oo si qaldan kooxdiisa shabaqa uga soo taabtay kadibb markii uu Lionel Messi kubbad cajiib ah u bixiyay Jordi Alba basle karooska uu Alba sameeyay ayuu Juan goolkan iskaga dhaliyay.
Laba daqiiqo oo kaliya kadib goolka Juan uu iska dhaliyay, Barcelona ayaa lagu abaal mariyay rekoodhe kadib markii uu Daniel Velázquez uu qalad ku galay Neymar isla markaana kaadhka digniinta ah loo taagay, laakiin Lionel Messi ayaa markale awoodi waayay in uu gool ka dhaliyo 12 ka yards ee rekoodhada,waxaana ka badbaadiyay goolhayaha Getafe ee Vicente Guaita Panadero.
Inkasta oo ay Getafe ciyaarta ku bilaabatay dardar fiican isla markaana ay doonaysay in ay Barcelona cadaadis saarto ayuu dhulka dhigay goolka ay iska dhalisay waxayna Barcelona markeeda bilawday in ay shaqadeeda xili horeba qabsato iyada oo fursad abuuris iyo weerar badan culayska ku saartay Getafe.
DAQIIQADII 19 aad Barcelona ayaa heshay goolka niyadjabiyay kooxda martida ahayd ee Getafe waxaana markan kooxda Enrique hogaanka u dheereeyay da’yarka xili ciyaareedkan ismuujiyay ee Munir El Haddadi Mohamed kaas oo goolka labaad ee Barcelona ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Lionel Messi, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Barca hogaanka xili horeba ku dheeraysatay.
DAQIIQADII 25 aad Getafe ayaa ka badbaaday in rekoodhe kale lagu dhigo kadib markii uu Alvaro Pereira uu qalad ku galay Neymar oo dhibaato wayn ku abuurayay difaaca Getafe laakiin markan garsooraha ayaan waxba tilmaamin.
DAQIIQADII 31 aad Barcelona ayaa u muuqatay in ay heshay goolkeeda saddexaad kadib markii Vidal iyo Iniesta ay door wayn ku lahaayeen darbo uu Pique birta ku garaacay, laakiin goolka saddexaad ee Barcelona ayay birta goolku beenisay.
LAAKIIN hal daqiiqo kadib markii uu Pique birta garaacay Barcelona ayaa heshay goolkeeda saddexaad waxaana markan goolkan u saxiixay Neymar da Silva Santos Junior oo kulankan soo badhigayay qaab ciyaareed ilqabad leh waxaana markale caawinta goolka Neymar magiciisa ku qoray Lionel Andrés Messi, waxayna ciyaartu noqotay 3:0 ay Barcelona hogaanka ugu raaxaysanayso.
Intaa kadib Barcelona ayaa cawska Camp Nou ku gubtay kooxda Getafe waxayna Barcelona bilawday weeraro aan caadi ahayn laakiin daqiiqad gudaheed Barcelona ayaa laba jeer bitta garaacday waxayna Getafe u muuqatay koox aan iska difaaci karin weerarka dhibta badani ay kaga imanaysay.
AYAA U BAAHAN REKOODHE!: Daqiiqadii 40 aad ee dhamaadkii qaybta hore Lionel Andrés Messi oo bilawgii kulankan ku fashilmay in uu rekoodhe gool u badalo ayaa markan muujiyay in uu u baahan yahay in kubbada uu ka darbeeyo meel goolka ka fog. Messi ayaa Barcelona udhaliyay goolkeeda afraad kadib markii uu kubbad ka helay Arda Turan, laakiin Messi ayaa marka hore iska farsameeyay xidigii ilaalinayay kadib ayuu 25 yards ka dhaliyay goolkiisa wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:0 ay Barcelona qaybta horeba ku xasuuqday Getafe.
Goolkan ayaa ahaa goolkii 22 aad ee Lionel Messi xili ciyaareedkan ka dhaliyay La Ligaha iyo goolkiisii 36 aad ee tartamada oo dhan laakiin sidoo kale Messi ayaa qaybta hore sameeyay laba gool caawineed isaga oo Munir iyo Neymar goolashadooda ka caawiyay. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay iyada 4:0 ay Barcelona hogaanka ku haysay.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Barcelona ayaa halkeeda ka sii waday gumaadka ay ku haysay kooxda martida u ahayd waxayna markiiba heshay goolkeeda shanaad waxaana markale Getafe dhibta ugu wayn soo gaadhsiiyay Neymar da Silva Santos Junior kaas oo makale ka faa’iidaystay gool caawintii saddexaad ee uu Messi kulankan ka sameeyay, wuxuuna Neymar ciyaarta ka dhigay 5:0 ay Barcelona ku xasuuqayso Getafe.
Goolkan ayaa ahaa goolkii labaad ee uu Neymar kulankan ka dhaliyay laakiin Messi ayaa caawinta goolka labaad ee Neymar ku dhamaystirtay saddexleyda gool caawineed ee uu sameeyay, waxayna Barcelona bilawday in ay ceebayso kooxda Getafe.Waa markii ugu horaysay ee uu Messi hal kulan oo La Ligaha ah ka sameeyay saddex gool caawineed.
DAQIIQADII: 57 aad Arda Turan ayaa gool qurux badan oo laba lugoodley ah udhaliyay kooxdiisa Barcelona kadib markii uu Gerard Pique ka helay gool caawin fiican iyada oo Getafe ku guuldaraysatay in ay iska saarto halista koorne ay Barcelona soo tuuratay, wuxuuna Turan ciyaarta ka dhigay 6:0 ay ciyaartu dhinac kaliya ka socotay. Goolka Arda Turan ayaa ahaa gool qurux badan wuxuuna markiiba sida caadada u ah uu la dhacay sujuud.
Intaa kadib ciyaarta ayaa noqotay mid lagu kala baxay waxayna Barcelona bilawday in ay kubbad iska ilaashato halka Getafe ay bilawday in ay raadiso qaabkii ay ku gaadhi lahayd shabaqa Barcelona laakiin ciyaarta ayaa gabi ahaan ka dhamaatay xamaasadii waxayna ugu danbayn ku dhamaatay 6:0 ay Barcelona ku xasuuqday Getafe isla markaana ay 11 dhibcood oo saafi ah ugu qabtay hogaanka La Ligaha ka hor kulanka Ateltico Madrid.
0 comments:
Post a Comment