Zidane ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabo kale oo kooxdiisa iyo kulankan la xidhiidha waxaana wax laga waydiiyay saxiixyada ay Madrid samayn doonto xagaaga. Haddaba shabakada Laacib.net ayaa idiin soo turjuntay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu Zidane shirkiisa jaraa’id kaga hadlay halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
Zidane oo ka hadlaya waxyaabaha muhiimka u noqon doona kulanka Las Palmas ayaa yidhi:Waxa muhiimka ahi waa in aanu ciyaarta si fiican ku bilaabano, waxaanu ognahay in sidii markasta uu ahaa uu noqon doono kulan adag, sababtoo ah waxay doonayaan in ay hubkooda ku soo ridaan Real Madrid. Waxaanu doonaynaa in aanu si fiican u diyaar garawno isla markaana aanu soo doorano kooxda ugu fiican si aanu iskugu dayno in aanu kulanka guulaysano.
Zidane oo ka hadlaya xaalada Benzema oo loo ogolaaday in uu xulka qarankiisa France matalo ayaa yidhi: Arintan waxaanu kala hadalnay Benzema, waxaanu ogayn in aanu sugno si arinta loo xaliyo, waxay Benzema u tahay neef qabawsi, wax badan ayaa arintan laga hadlayay saamayn ayayna Benzema ku yeelatay.Waxaan rajaynayaa in hadda la dhameeyay oo uu Benzema u ciyaari karo kooxda xulka qaaranka si uu France uga caawiyo ku guulaysiga tartanka qaramada yurub. Benzema wuu fiican yahay, wuxuuna kalidii qaadanayaa tababarka, laakiin tababarka ayuu qaadanayaa, wuxuuna u soo baxayaa garoonka, waxaanu fiirin doonaa waxa todobaadkan dhaca.
Zidane oo ka hadlaya mustaqbalka Varane ayaa yidhi: “Varane waxaa suurtogal ah in uu waqti badan ama waqti yar ciyaaro laakiin waxaan ku faraxsanahay sida uu u shaqaynayo waana da’yar inkasta oo uu halkan sanado dhawr ah joogay, si deg deg ah ayuuna wax u bartay, waxaan filayaa in mustaqbalkiisu uu yaalo Real Madrid. Ciyaartoy badan oo ay isku boos yihiin ayaa jooga, xaqiiqdiina waa in aan soo kala doortaa sidaa daraadeed markasta Varane ma ciyaarayo . Laakiin Varane wuu faraxsan yahay maalin kasta horumar ayuu samaynayaa.
Intaa kadib Zidane ayaa ka hadlay xaalada dhaawacyada kooxdiisa wuxuuna yidhi: Markasta waxay fikradu tahay in ay na soo gaadhaan dhaawacyada ugu yar ee ugu suurtogalsan, waxaanu ugu dhawaan helnay koox dhamaystiran, waxaa maqan Karim, waxaanu u baahanahay in aanu Karim dib uga helno kooxda laakiin inta kale waa diyaar.Zidane ayaa wax laga in kooxdiisu ay xoojin ka samayn doonto booska goolhayaha wuxuuna yidhi: “Anigu taas kamaan fikirin, anigu ma ogi waxa dhici doona dhamaadka xili ciyaareedka, anigu waxaan aad ugu faraxsanahay goolhayayaasha aan halkan ku haysto ee Keylor iyo Kiko oo si fiican tababarka u qaadanaya. Kiko waa xirfadle, waa ceeb in uu waqti aad u yar helay waxa kale oo aanu haysanaa Ruben taas ayaana ah waxa aniga iigu muhiimsan.
Ugu danbayn Zidane ayaa markale wax laga waydiiyay saxiixyada ay Madrid xagaaga samayn doonto wuxuuna yidhi: “Anigu wali ma ogi haddii aan halkan sii joogi doono iyo inkale, ama waxa dhici doona dhamaadka xili ciyaareedka, markasta wax badan ayaa laga hadlaa ciyaartoyda iman doonta ama bixi doonta waana wax iska caadi ah, laakiin anigu kaliya waxaan diirada saarayaa kulankan.
0 comments:
Post a Comment