Qaraxan oo ahaa mid xoogan ayaa Kooxo hubeysan xalay waxey ku weerareen
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa bambaano nuuca gacanta laga tuuro, taasi oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Waxuu sheegay in Ciidamada la qarxiyay ay Rasaas xoogan dhinacyada u fureen, inkastoo Kooxihii weerarkaasi geystay lagu soo waramayo in ay halkaasi ka baxsadeen.
Ciidamadan ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa bilbaabay howlgallo kala duwan oo ku aadan Weerarka xalay lagu beegsaday, balse weli lama soo sheegin hadii ay jiraan Dad la soo qab qabtay.
Inta badan Weeraro iyo Qaraxyo loo adeegsado Gaari ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoona xusid mudan in Qaraxyadaasi mas’uuliyadooda dhabarka u ritaan Xarakada Al Shabaab.
0 comments:
Post a Comment