Waxaa wali magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka socda kulamo looga doodaayo dib-u-soo celinta maqaamka magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho, kana mid ah kulamada socda ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay Siyaasada ay adeegsaneyso DFS.
Tarsan waxa uu sheegay in arrin macquul ah aysan aheyn in dulmi uu qofkasta garan karo lagula dhaqmo dadka deegaanka ku ah Gobolka Banaadie misna la dhaho Gobolka Banaadir cod kuma yeelanaayo Aqalka Sare Baarlamaanka.
Tarsan waxa uu tilmaamay in Dowlada hadda jirta ay indhaha ka qabsaneyso waxyaabihii soo jireenka ahaa waxa uuna fashil cad ku sheegay qodobada laga soo saaray shirkii saddexda maalmood Madaxda Dowladda Somalia iyo Maamul Goboleedyada uga socday Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in Qodobada qaar ay meesha ka saarayaan in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho Aqalka Sare Baarlamaanka, halka inta kale ee gobolada ay xubno ku yeelanayaan Aqalka Sare, sida uu hadalka u dhigay.
Dowlada Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud, ayuu sheegay inay u kala eexaneyso Beelaha Soomaaliyeed isaga oo dulmi cad ku sheegay inaanu Gobolka Banaadir xubno ku yeelan Aqalka Sare Baarlamaanka, isagoo xusay in tani ay halis ku keeni karto dalka.
”Siyaasadu maaha in dadkaagii aad iska ilaaliso, waxaan oran lahaa dib haloo baaro Taariikhda Muqdisho, maaha in nidaamka jeebka la gishto oo dadka lagu cadaadiyo wixii ay iyaga rabaan”
”Waayo Gobolka Banaadir wuu ka dadbadan yahay Gobolada kale waa in lasiiyaa maqaamkii uu lahaa”
“Dadka Somaliyeed marka saddex loo qaybiyo, qayb ka mid ah waxay ku nooshahay Gobolka Banaadir ama Muqdisho, waxaas dhan ma arkaan ee waxa ay arkaan wixii iyaga u muuqda”
Docda kale, Tarsan ayaa ka digay in Dowlada iminka xilka kasii dageysa ay madaxa isku galiso Beelaha Soomaaliyeed.
0 comments:
Post a Comment