Sponsor

John Terry : Maamulka Chelsea Ciyaarta Ha Iga Daayaan

Thursday, February 11, 2016

Kabtan John Terry ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa Chelsea aysan illaa haatan kala hadlin arin ku saabsan in hishiis cusub uu u saxiixo kooxda .
Hishiiska Terry ee Chelsea ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkaan waxa uuna dhawaan shaaciyay in xilli ciyaaredkaan yahay kan ugu dambeeya Chelsea isla markaana u baxayo.
Wargeyska Express ayuu Terry ka yiri ka dib kulankii United ” ma jirto wax wadahadal ama xariir maamulka kooxda ila sameeyeen anna waxaan iri waxii qasabka igu ahaa in aan iraahdo”.
” Waxaa qasab ah in aan dadaal deeraad ah bixinno si xaalkeena horyaalka u wanaagsanaado” ayuu sii raaciyay Terry oo aan ku dheeraan arinta kooxdiisa kala dhex aloosan
Arintaan ayaa imaaneysa xilli taageerayaasha kooxdaas Chelsea ay la yimaadeen kulankii United boorar ay ku dalbanayeen in hishiis cusub laga saxiixo Terry
Continue Reading | comments

XOG:Axmed Madoobe oo fashiliyay Shirki Nabada Jubboyinka+Sababta

iyadoo uu qorshuhu ahaa in siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Jubaland ay shir dib u heshiisiineed kaga qeybgalaan magaalada
 Kismaayo, ayaa waxaa muuqaneysa in shirkaasi uu fashilyo hogaamiyaha maamulkasi.
Siyaasiyiintii mucaaradsanaa Jubaland ee la doonayay in iyaga iyo maamulka kismaayo la heshiisiiyo ayaa hadda ka baaqsaday aaditaankoodii kismaayo kadib markii Maamulka jubba uu ka baxay qodobadii la qorsheeyey in ay noqdaan ajandayaasha shirka.
Hogaamiyaha Jubba axmed Madoobe oo ka duulaya in isla xisaabtan uu kismaayo ka dhaco ayaa abaabulay siyaasiyiintii beesha sade ee ka tirsanaa maamulkiisa  kuwaas oo abaabul uu galiyay taasoo qorshaha uu wado ay tahay in iyagu ay noqdaan cida la heshiineysa axmed madoobe, miiska wada hadalkane fariisaneysa.
Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdulaahi sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa isugu yeeray kismaayo xildhibaanada iyo masuulyiiinta kale ee ka tirsan maamulkiisa kana soojeeda beesha sade  isagoo ku wargaliyay in iyagoo oo matalaya Beesha Sade ay shirkaasi ka qeybgalaan, arintaas oo guuxii ka dhashay uu ka taaganyahay magaalada kismaayo.
Sikastaa hogaamiye Axmed madoobe ayaan diyaar u aheyn nabad iyo xasilooni ka dhalata jubaland, iyadoo xubnihii beesha caalamka ee ay ugu horeyso Hay’adda USAID ay arinkaasi durba walaac ka muujisay
Continue Reading | comments

Wararkii Ugu Dambeeyay

Category

waa shabakada u taagan wararka xaqiiqda dhabta markaas jirta meel waliba oo aad dunida ka joogto

Powered by Blogger.

Featured Video

Instagram posts

Video Of Day

Text Widget

Sample Text

Contact Us

Name

Email *

Message *

Somalia

Somalia

Pages

Latest News

 
Support : Creating Website | Johny Template | Maskolis | Johny Portal | Johny Magazine | Johny News | Johny Demosite
Copyright © 2011. Warbaahiye Isha Wararka Aduunka - All Rights Reserved
Template Modify by Creating Website Inspired Wordpress Hack
Proudly powered by Blogger