Inta badan xilli ciyaareedkii Arsenal waa soo dhamaatay, sidaasi waxaa ciwaan ka dhigatay jariirada Ingariiska ka soo baxda ee Daily Mirror.
Waxaadna ku fekereysaa talow iyadana ma la gaaray waqtigii uu Wenger isna bixi lahaa sababtoo ah waa ay sii adkaaneysaa in lagu badiyo niyadjabka iyo carrada ku gaaf wareegsan haatan garoonka Emirates Stadium.
Arsenal ayaa weysay seddex sanno oo ay heysatay FA Cup, waxa ay wajahayaan howlgal mustaxiil ah kulanka arbacada ee Champions League ee Barcelona, waxaana laga yaabaa inay 11 dhibcood ka dib dhacaan tartanka horyaalka marka ay sabtida soo socota la ciyaarayaan Everton.
Taageerayaasha qaarkood ayaa durbaba soo jeestay, oorintii ay sameeyeen ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii shalayto ayaa sheekadeeda gooniga ah leh sababtoo ah waxa ay ka careysan yihiin xilli ciyaareed kale oo farahooda ka sii baxaya iyo in lagu qanciyo inay afarta kaalin ee ugu sareysa ay soo galeen.
Waxaa jiray warar sheegaya in taageerayaasha Arsenal ay dhexdooda isku dagaaleen banaanka garoonka Emirates ka dib kulankii shalayto.
Wenger ayaa isagana isaga baxay wareysi uu siinayay idaacad markii ay weydiiyeen haddii ka haritaankooda koobka ay halis gelineyso shaqadiisa.
Cid faraxsan ma jirto. Hore ayaan u soo aragnay dabcan, laakiin waqtigaan dareenka waa uu ka sii xun yahay xaaladana waa ay ku sii xun tahay Wenger. Xitaa Wenger oo mar walba sheegi jiray inuusan waxba u arkin eedeymaha ayaan iska indhotirin karin jahwareerka jira.
Koobka FA Cup waxa uu ahaa koobkii badbaadinayay Wenger seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, taasna haatan daaqada ayay ka baxday sababtoo ah Watford waxa ay soo bandhigtay baahi badan iyo tamar badan iyo weliba dabeecad ah quusasho la’aan.
Arsenal wax dadaal dheeri ah ma aysan sameynin ilaa iyo dhamaadkii ciyaarta markii Danny Welbeck uu gool u soo geliyay islamarkaana uu qasaariyay fursad weyn oo uu ciyaarta ku barbareyn lahaa, laakiin waqtigaas waxa ay aheyd mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Arinta ugu walwalka badan ee Arsenal heysa ayaa ah in ciyaartoydu ay u muuqdaan kuwa daalay. Waxaa ka maqnaa tamar iyo isbiirit dagaal. Waxa ay ciyaareen todoba kulan 23 maalmood gudaheed, waxaana ay badiyeen kaliya hal kulan, waxaana ay taasi banaanka soo dhigeysaa in kooxda aysan heysanin ciyaartoy badan oo la isku bedbedelo islamarkaana natiijo keeni kara.
0 comments:
Post a Comment