Puntland ayaa qaylo dhaan balaaran ka muujisay dagaalka ay Xoogaga Daacish kula gashay deegaanada Xeebta ee Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Soocade ayaa warbaahinta u sheegay gordhow in Puntland lagu soo qaaday duulaan qaawan oo wayn taasina aysan suurta gal ahayn in Puntland ay indhaha ka daawato.
Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay isku diyaarinayso dagaalkii ugu waynaa oo ay la galayso kooxda Daacish.
Sidoo kale Mudane Soocade ayaa xaqiijiyay in deegaano badan oo muhiim ay kooxda Daacish lagala wareegay oo ay gacanta ku haayaan Ciidamadooda.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Qasaaraha Dagaalka ay dib ka soo sheegi doonaan Maadaama weli dagaalka xoogiisa uu socdo .
0 comments:
Post a Comment